Jaceylka dhabta ah malahan Xuduudo {Qiso dhab ah}

Updated About:2 years ago
0

Sheeko Jaceyl ah oo dhex martay wiil u dhashay wadanka China iyo gabar kasoo jeeda wadanka Falastiin oo Internetka ku bilaabatay ayaa waxa ay ku danbeysay in wiilkaas iyo gabadhaasi ay isku guursadaan magaalada “GAZA” mudo haatan dhowr bilood laga joogo.

Diidmada katimid xaga waalidiinta wiilka China-ha ah ayaa ka badnayd diidmada katimid waalidiinta gabadha reer Falastiin.

Xaflada arooska ayaa ka dhacday bartamaha magaalada Gaza, caruusadu waa “Iimaan” oo ah gabar reer Falastiin, Caruuskana waa wiil reer China ah kaasoo la baxay magaca Muusa, sheekadan waxa ay u egtahay mid dhalanteed ah taasoo soo socotay laba sanadood, balse ugu danbeyntii waxa ay noqotay dhacdo dhab ah.

Muuse markii ugu horeesay waxa uu Iimaan la kulmay sanadku markuu ahaa 2010, markaas oo uu Gaza booqday isaga oo Tarjumaan ah, Muse iyo iimaan waxay siiw adeen xiriirka markii uu dib ugu laabtay wadanka China, laba sanadood ayayna ka wada sheekeesanayen qadka Internetka.

Iimaan, waxay Muse ku tilmaamtay nin Muslim ah oo hadana haweenka Ixtiraama.

“Muuse, waa ninka kaliya ee aan guursan lahaa qofkalena ma ahayn inaan guursado, Muuse waxaan u arkay inuu yahay nin Muslim ah iyo inuu yahay nin akhlaaq fiican oo xilkas ah, mahadna ALLAH ayay usugnaatay, aniga ayaa go’aansaday inan guursado oo aan xaaskiisa noqdo” ayay tiri Iiman.

Muuse markii uu damcay inuu ku laabto Gazza oo uu arooska u yimaado waxaa saarnaa xayiraad in aan la gali Karin marinka Gazza, markaasna waxa uu u babac dhigay dhibaatooyin badan, oo waxa uu tagay wadanka Masar waxa uuna soo maray goobo si qarsoodi ah dadka looga soo gudbiyo.

Markii uu tagay Gazza waxa uu lakulmay Iimaan aabaheed waxa uuna sheegay in ay adkayd in uu ka dhaadhiciyo inuu yahay nin uqalma Iiman.

Iimaan waxa ay sheegtay in ay ku adkayd laftirkeeda in ay aabaheed ka dhaadhiciso In Muuse uu yahay nin wanagsan.

“Aabahay si buuxda uma uusan ogolaanin guurka, balse ugu danbeyntii aabahay waxa uu ii sheegay in da’deeydu ay dhaaftay 24 sano sidaas darteedna aanan ahayn caruur ee aan gaari karo go’aanada la xiriira mustaqbalkeyga” ayay tiri Iimaan.

Dhibaatooyinkii uu wajahayay intii uu raadinayay Jaceylkiisa iimaan waxay ahaayeen wax aan cadi ahayn, si kastaba ha ahaatee markii uu dhuumashada kaga gudbay Xadka ee ay is heleen, waxa uu la kulmay dhibaatooyin Cusub, laba maalmood markii uu joogay oo uu doonayay in uu aqalgalo, ayaa magaalada Gaza oo uu ku sugnaa Muse waxaa weerar cirka ah kusoo qaaday Srael bishii November ee sanadkii hore, dantuna waxa ay biday in uu ku aqalgalo wadanka China-ha, waxa uuna caruusadiisa usii kaxaystay dhankaas iyo China.

Isbaarooyinka Rafac ayaa Muse lagu weydiiyay “Miyaadan ka baqaynin in aad naftaada ku weydo halkan”, waxa uuna ku jawaabay “Markasto waxan dhahaa nafteydu waxa ay ku jirtaa gacanta Ilaahey ee kuma jirto gacanta Srael”.

“Waan jecelahay, hadii aad I weydiiso dareenka aan u haayo shiinuhu waxa uu ku maah maahaa(meeshii qalbigaagu ku dago ayuu jirkaaguna ku dagaa)”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet