Naadiga Arsenal, ee uu hogaamiyo macalinka lagu eedeeyo jeeb adeega, ayaa mudo 8 sano ah waxay tahay mid koob la’aan ah, taageerayaasha Arsenal ayaa ah kuwo hada ku kacsan macalin Arsene Wenger, waxayna ku eedeeyeen inuu yahay ninka dhulka la galay naadiga, islamarkaasna kadiray Ciyaaryahano badan oo lafdhabar u ahaa.
Kulanka cawada ay la qaadan doonto naadiga reer Jarmal ee Bayern Munchen kulanka katirsan Champion Leageue hadii laga adkaado Arsenal, taas micnaheda waxay ka dhigantahay 8 sano xiriir ah misna koob la’aan ah.
Guul iyo guuldaraba Wenger, waxa uu sanadkaan qorsheeynayaa inuu qarash gareeyo lacag dhan 70 million, si uu usoo iibsado ciyaartooy tayo leh soona nooleeya sharaftii iyo waayihii ay Arsenal ku lahayd horyaalka Britain iyo ciyaaraha Yurub.
Kadib 8 sano oo koob la’aan ah waxaa Arsenal isaga tagay oo ka gadooday ilaa 25 ciyaaryahan islamarkaasna u ahaa lafdhabar, ciyaartoydaas ka tagtay waxay ku guuleeysteen 75 abaalmarino oo kala duwan.
Ciyaaryahanadii qaatay go’aanka saxan misna ku guuleeystay wixii ay ku riyoonayeen waxaa kamid ah(Ashely Cole, Vieira, Henrry, Fabregas, Nasri, Toure, Adebayor, Gilberto Silva, iyo ciyaaryahano kale) dhamaan Ciyaaryahanadaan waxay ku guuleysteen koobab kala duwan iyo abaalmarino qaali ah.

Waayo xusuus leh:Vieira oo taageerayaasha Arsenal hortooda ku muujinaya koobka FA CUP oo ay Arsenal ka qaaday Manchester United 2005

Cole, markii uu ka tagay Arsenal,waxa uu Chelsea kula guuleystay 8 koob, horyaalka 2010, Champion league 2012, 2012 FA CUP, 2007, 2009, 2010, 2012 League Cup: 2007

Thiery Henrry, markii uu Arsenal ka tagay waxa uu Barcelona kula guuleystay 8 koob, kuwaasoo kala ahaa (Liga: 2009, 2010 Copa del Rey: 2009 Supercopa de Espana: 2009 Champions League: 2009 UEFA Super Cup: 2009 FIFA Club World Cup: 2009 Read more: http://www.dailymail.co.uk/sport/football/article-2280394/Arsenal-crisis-Ashley-Cole-Thierry-Henry-Cesc-Fabregas-won-75-medals-leaving-Emirates.html#ixzz2LJcenYAf Follow us: @MailOnline on Twitter | DailyMail on Facebook

Fabregas waxa uu barcelona kula guuleystay 4 koob kuwaasoo kala ahaa (Copa del Rey: 2012 Supercopa de Espana: 2011 UEFA Super Cup: 2011 FIFA Club World Cup: 2011 Read more: http://www.dailymail.co.uk/sport/football/article-2280394/Arsenal-crisis-Ashley-Cole-Thierry-Henry-Cesc-Fabregas-won-75-medals-leaving-Emirates.html#ixzz2LJd8UUmM Follow us: @MailOnline on Twitter | DailyMail on Facebook

GAEL CLICHY:waxa uu Mancity kula guuleystay 2 koob, oo kala ahaa Premier League: 2012 Community Shield: 2012

SAMIR NASRI:waxa uu Mancity kula guulesytay 2 koob, kuwaasoo kala ahaa Premier League: 2012 (Man City) Community Shield: 2012 (Man City) Read more: http://www.dailymail.co.uk/sport/football/article-2280394/Arsenal-crisis-Ashley-Cole-Thierry-Henry-Cesc-Fabregas-won-75-medals-leaving-Emirates.html#ixzz2LJec6KEn Follow us: @MailOnline on Twitter | DailyMail on Facebook

PATRICK VIEIRA:Kadib Emirates waxa uu qaaday 8 koob oo kala ahaa (2006 waxa uu horyaalka laa qaday Juventus) (Serie A: 2007, 2008, 2009, 2010 (Inter Milan) Supercoppa Italiana: 2006, 2008 (Inter Milan) iyo Hal FA CUP uu la qaaday mancity 2011