Ibrahimovic: Waxaan aad ugu xiisa qabaa u wareegida kooxda Bayern Munich

Updated About:2 years ago
0

Xiddigga reer Sweden ayaa shaaciyay in uu damacsan yahay in uu wareego horiyaalka dalka Germalka ee Bundesliga iyo garoonka kooxda Bayern Allianz Arena.

Wuxuu sheegay in kooxdaas ay tahay koox u qalanta in loo cayaaro.

Weerrar yahanka kooxda Paris Saint-Germain  Zlatan Ibrahimovic ayaa qiray in uu aad ugu xiiso qabo u wareegida kooxda Bayern Munich taasoo hadda u soo bandhigtay in rabto.

Si kastaba, macalinkii kooxda Barca Pep Guardiola  ayaa la wareegi doonna kooxda ka dhisan  Allianz Arena dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Ibrahimovic, kal hore ayuu isku dayay in uu wareego kooxda Bavarian xilligaas oo uu macalin u ahaa kooxda Pep, laalin waxaa loo sheegay in uu sii joogo garoonka Camp Nou.

“Horiyaalka Bundesliga  waa mid ka mid ah kuwa aan aad u jeclahay oo i soo jiita. Maalin uun halkaas waan aadi doonaa” wuxuu u sheegay  11Freunde.

Wuxuu intaas ku daray “Haddii aan dooran lahaa koox Germany ka ciyaarta waxaa u ciyaari lahaa  Bayern Munich, waa mid ka mid ah shanta koox ee adduunka ugu fiican.”ayuu yiri markale Ibra.

Xiddigan reer Sweden ayaa sheegay in uu ku soo noolaaday shan waddanka oo ay ka mid yihiin Sweden, Netherlands, Italy, Spain iyo hadda oo ku sugan yahay France.

Wuxuu yiri waxaan bartay dad cusub iyo kaljaro badan,” Ibrahimovic ayaa yir.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet