Bayern Munich oo si fiican u garaacday kooxda Arsenal

Updated About:2 years ago
0

Waxaa xaley kooxda Arsenal ku dhacay guul daro aad u wayn kadddib markii 3 iyo 1 ay ku xaaqday kooxda Germalka ee  Bayern Munic horiyaalka  Champions League.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Gunners-ka, waxaana ay kooxda Germalka soo bandhigtay ciyaar aad loo jecleestay.

Goolka oo ay ku hormartay kooxda Martida waxaa u dhaliyay Toni Kroos, isla qaybta koobaad ayaa goolka labaad waxaa dhaliyay weeraryahanka kooxda Germalka Thomas Müller.

Ciyaarta ayaa qaybtii koobaad waxa ay ku dhammaatay 2 iyo waxbo oo ay hoggaanka ku heyso kooxda Germalka.

Markii la isugu soo laabtay ayaa kooxda Arsenal waxa ay heshay gool waxaana iska dhaliya Lukas Podolski, intaas markii ay mareysay ayaa koooxda Geramalka waxaa goolkii seddaxaad u dhaliyay Thomas Müller oo xiddigii xaley.

Arsenal waa guul daradii labaad oo isku xogta soo gaarta toddobaadkan, waxaa laga reebay koobka FA Cup-ka ee dalka Ingiriiska.

Ciyaartii labaad waxa ay dhex martay kooxaha FC Porto iyo Malaga oo ka kala dhisan waddamada Portugal iyo Spain.

Ciyaarta ayaa qaybtii koobaad waxa ay ku dhammaatay bilaa gool, markii qaybta labaad la isugu soo haray ayaa kooxda Portugal oo gurigeeda lagu ciyaarayay waxa ay heshay gool, waxaana u dhaliyay Joao Moutinho daqiiqadii 56-aad.

Ciyaarta ayaa sidaas markii dambe ku dhammaatay.
 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet