Askar horay udishay dad rayid ah oo maanta Muqdisho lagu toogtay

Updated About:2 years ago
1

Ilaa iyo sadex Askari oo mid Sarkaal yahay ayaa maanta maxkamada Ciidamada qalabka sida ee doowlada Soomaaliya, waxay ku fulisay dil toogasho ah, Askartaan ayaalagu eedeeyay ineey dileen dad shacab ah oo an waxbo galabsan.

Labo kamid ah Askarta maanta la toogtay oo wada dhashay ayaa lagu helay danbi ah in 4 ruux oo barakacayaal ah ay ku dileen degmada Howlwadaag, halka sarkaalkana lagu eedeeyay inuu dilay askari katirsan Ciidamada doowlada.

Gudoomiyaha maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida Xasan Maxamed Xuseen muungaab, oo arintan bahda saxaafada uga warbixayay ayaa sheegay.

“Maxkamada Cidiamada qalabka sida waxay maanta 3 danbiilayaal ah ku fulisay xukun dil ah oo horay loogu xukumay, kadib markii ay dil barer ah u gaysteen dad aan waxbo galabsan” sidaa waxaa yiri Muungaab.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa dhowr jeer ooh ore xukuno dil ah ku fulisay Ciidamada doowlada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (1)

Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

  1. Abdi naasir says:

    Hambalyo qofkii waxdilo haladilo markas qof askari qofdili rawo wuxu so xasusana askar horay oo saxibyashisa ah oo dad dilen oo ladilay

Leave a Commnet