Fanka oo markale soo noolaanaya {Warbixin Xiiso leh}

Updated About:1 year ago
0

Dadka reer Muqdisho ayaa laba sano kadib markii ay Al-shabaab ka baxeen, ku raaxeeysanaya in maalmaha Xafladaha iyo aroosyada ay ku raaxeystaan Heesaha iyo ciyaaraha ka tarjumaya hidaha iyo dhaqanka.

Heesaha Rock, rap-ka iyo Jaceylka ayaa ah kuwo ay Soomaalida inta badan ku cabiraan shucuurtooda, Al-shabaab ayaa iyagu intii ay Muqdisho ka talinayeen waxay amar kusoo rogeen idaacadaha markaas jiray ineeysan hees iyo wax Music ah soo dayn Karin xitaa ii dhahyda, iyadoonaa maalmahaas ay idaacadaha Music ka dhigan jireen dhawaqyada shinbiraha, eeyaha, iyo waxyaabo kale.

Laakiin tan iyo markii laba sano kahor shabaabku isaga baxeen Caasimada Muqdisho, waxaa si dhaqso ah usoo laabanayay fanka, iyadoona dalka ay kusoo laabanayeen fanaaniin waa weyn kana tirsanaa hobolada Waaberi, kuwaasoo hada Muqdisho ka wada olole lagu soo nooleeynayo fankii Soomaaliyeed ee bur buray xiliyadii dagaalada.

Fanaaniintaas waxaa kamid ah, Maxamed Xasan Lafoole, oo kamid ah fanaaniinta hada loogu jecelyahay, waxaana imaanshihiisa aad usoo dhaweeyay dadka reer Muqdisho ee jecel fanka.

Duqa magaalada Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa gacan weyn ka gaystay in dalka dib ugu soo laabtaan fanaaniinta, waxa uuna had iyo jeer ugu baaqaa ineey ka qayb qaataan dib udhiska dalka, maadaama ay yihiin hanuuniyaasha dadka.

Tarsan, ayaa sheegay in fanaaniinta ay soo mareen waqtiyo adag oo aad u xun, laakiin waxa uu sheegay in hada doowlada ay siineyso ahmiyad weyn.

Marka aad xiliyada Habenki ku sugantahay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaad ku fikireeysaa inaad joogto London ama New York, laakiin xaqiiqda ayaa ah inaad joogto Muqdisho.

Isbadalka weyn ee Muqdisho hada laga dareemayo waa wax aad loogu farxo, booqashada fanaaniinta waa weyn sida Lafoole oo kalena waxay daliil u tahay in Muqdisho amaan tahay, waxaana loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ee magaca ku dhex leh bulshadana ay qaataan tallaabo taas lamid ah.

Dadku waa kuwo ay soo laabatay niyadooda, waa kuwo aad ugu faraxsan ineey arkaan Muqdisho oo xiliyada danbe ee habeenkee lagu soconayo, iyadoona dib loo soo celinayo bilicda magaalada.

Heesaha, Riwaayadaha ayaa ah kuwa ay dadka isku iloowsiiyaan dhibaatooyinka qaaska ah ee haysta, iyo daalka.

“Waxaan dhibaato kusoo jirnay 20 sano, laakiin hada waxaan dareemeynaa nolol aad u qurxan” sidaa waxaa tiri Raxma Xasan.

Fanka ayaa qayb weyn ka qaata in dadka lagu hanuuniyo ineey dhistaan dalkooda, wax qabsadaan, iyo in lala dagaalamo musqmaasuqa, iyo Mukhaadaraadka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet