Galliani: Messi wuxuu ka wanaagsan yahay Maradona iyo Pele

Updated About:2 years ago
0

Madaxweyne ku xigeenka kooxda AC Milan ayaa shaaciyay xiddigga kooxda Barcelona uu yahay ciyaaryahan dunidda soo jiitay.

Wuxuu ka hadlaayay ciyaarta caawa ay isku dhagan yihiin iyaga kooxda reer Spain ee Barca horiyaalka kooxaha Yurub ee Champions League.

Adriano Galliani ayaa qiray Lionel Messi in uu ka wanaagcan yahay Diego Maradona iyo Pele oo xilli ahaa xiddigaha ugu khatarsan adduunka.

Koooxda Rossoneri ayaa ku martigalineysa caawa naadiga Blaugrana garoonka San Siro lugta koobaad wareega labaad ee koobka kooxaha Yurub ee 16-ka.

68-jirkan ayaa sheega Argentine uu yahay ciyaaryahan magac ku leh adduunka oo dhan, isla markaana kubaddaha uu ciyaaro ay halis yihiin.

“Waa ciyaar aad u wanaagsan oo aad u quruxbadan laakin waxa ay ku xirantahay ciyaarta ay soo bandhigaan labada koox,”ayuu u sheegay wariyaasha.

“Barca waa koox wanaagan marka lagu daro Messi oo ah ciyaaryahanka ugu wanaagsan adduunka, xittaa marka loo eego Diego Maradona iyo Pele.”

Galliani ayaa ugu dambeen sheegay in uu kooxda Catalans-ka ay tahay koox adduunyada oo dhan ka dhigtay mid laga yaqaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet