HRW oo Holland ugu baaqday ineeysan dib u celin Soomaalida magangalyo doonka ah

Updated About:1 year ago
0

Hay’ada Human Rights Watch, ayaa doowlada Holland ugu baaqday ineeysan dadka Soomaalida ah ee magangalyo doonka ah Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay kujirto magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, tan iyo inta amniga si buuxdo loo soo celinayo.

Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’ada ayay ku sheegtay in doowlada Holland ay qorsheeyneysay maalmihii lasoo dhaafay ee shalay oo Arbaco ahayd iyo Sabtida soo socota in laba qof dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho.

Bishii December ee lasoo dhaafay ayaa wasiirka Cadaalada Ee Holland waxa uu warqad uu u qoray baarlamanka dalkaas ku sheegay in amniga Muqdisho uu soo hagaagayo.

Wareysi hay’ada Human Rights Watch, ayaa waxay ku sheegtay in doowlada Holland ay ka baaqsato ay dadkaas dib ugu celiso magaalada Muqdisho, ilaa iyo inta hay’ada qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHSR ay ka dajineyso tilmaamo ku saabsan qaxooti lagu celin karo wadanka Soomaaliya waqtigan

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet