Kooxda Barca Maxaa ka qabsaday Garoonka San Siro?

Updated About:1 year ago
0

Naadiga Spain ee Barcelona oo ka mid ah kooxaha ugu caansan adduunyada ayaa xaley guul daro kala kulantay waddanka Talyaaniga, halkaas oo ay kula ciyaartay kooxda AC-Milan.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka caanka ah ee San Siro , waxa daawanaayay boqolala kun qof iyo malaayin shaashadaha kala socday.

Ciyaarta ayaa ku billaabatay jawi deggan iyo kala gambasho labada koox ah.

Wixii ay socotaba waxa ay qaybtii koobaad ku soo afmeerantay 0 iyo 0, in kastoo labada koox ay iska lumiyeen dhowr fursadood oo goolal loo fishay.

Si kastaba, kooxda Barcelona ciyaartoyda caanka ah ee u ciyaara waxa ay dhaafi waayeen qadka dhexe, in kastoo dhowr fursado ay heleen.

Daqiiqadii 57-aad qaybtii koobaad ee ciyaarta ayaa AC-Milan waxa ay heshay goolkii ugu horreeyay waxaana dhaliyay K. Boateng, isla goolka labaad ayaa Barca loo saariyay waxaana dhaliyay daqiiqadii 81-aad Suley Ali Muntari,

Labada ciyaaryahan ee ka dhaliyay goolasha kooxda Barca waxa ay ka soo jeedaan qaaradda Africa, waxaana xaley ahayd habeenkii Africa.

Sidoo kale waxaa xaley ciyaaray kooxaha Galatasaray iyo  Schalke, ciyaarta oo ka dhacday garoonka kooxda Turkiga, waxa ay ku dhammaatay barbardhac 1 iyo 1.

Goolka waxaa ku hormartay kooxda Turkiga, waxaana goolka u dhaliyay daqiiqadii 12-aad Yilmaz, laakin kooxda Germalka ayaa heshay goolkii barbardhaca waxaana u dhaliyay daqiiqadii 45-aad J. Jones.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet