Senator katirsan aqalka Congress-ka Mareeykanka oo sheegay in diyaaradaha Drones-ka ay dileen 4,700 qof.

Updated About:2 years ago
1

Senator Graham, oo katirsan aqalka Congress-ka Mareeykanka islamarkaasna ahaa dadkii sida aadka ah ugu ol ololeeynayay isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, ayaa sheegay in tan markii la bilaabay adeegsiga diyaaradahaas ay dileen dad gaaraya 4,700, waxaana uu qiray ineey u badanyihiin dad rayid ah oo aan waxbo galabsan.

Waxaa xusid mudan in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Mareeykanka kula dagaalamo Al-qaacida ay tureen gantaalo gaaraya ilaa boqolaal, islamarkaasna masuuliyiinta Mareeykanka ayaa had iyo jeer ka gaabsada ineey faah faahin ka bixiyaan.

Senator Graham, oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri: “waxaan dilnay 4,700 qof, oo ay ku jiraan dad aan waxbo galabsan arinkaasna aad ayaan u necbeystaa, laakiin waxaa kaloo dilnay madax sar sare oo katirsan ururka Al-qaacida”.

Iyadoo ay jiraan dhaliilo aad ah oo ay soo jeediyaan qaar kamid ah aqalka Congress-ka Mareykanka iyo dhaqdhaqaaqyahano katirsan kooxaha xuquuqul insaanka, kuwaasoo shaki weyn ka qaba qaabka loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo sharciyadooda, ayaa hadana senator Graham waxa uu aad u difaacay Siyaasada madaxweyne Obama iyo adeegsiga diyaaradahaas.

“Waa hub ay waajib tahay in la adeegsado, waa hub Taktiiki ah” ayuu yiri Senator Graham.

Hadalkan kasoo yeeray Senator Graham, ayaa noqonaya masuulkii ugu horeeyay ee sheega tirade rasmiga ah eek u dhimatay howlgalada ay fuliyaan diyaaradaha aan cidina wadin.

Dadka rayidka ah eek u dhintay howlgaladaas ayaa lagu qiyaasaa ineey gaarayaan ilaa 900 oo qof.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (1)

Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

  1. Sam Kephart says:

    http://www.youtube.com/watch?v=ssoOASanKao

    Published Feb 2013

    Emmy-winning journalist, Shad Olson, explores the controversy over U.S. drone policy, both at home and abroad.

    While technological sky supremacy gives America strategic superiority on the battlefield, the prospect of drone proliferation over U.S. cities is causing concern about loss of privacy, an end to Habeas Corpus and judicial due process and the destruction of Constitutional rights.

    South Dakota U.S. Senator John Thune and former U.S. Senate candidate, Sam Kephart share their views about the consequences of domestic drone deployment in the fight against terrorism.

    Originally aired on KNBN-TV, (NBC) NewsCenter1, Rapid City, South Dakota in February 2013.

Leave a Commnet