Chelsea oo shaacisay Benitez in lagu badalaayo Mourinho

Updated About:1 year ago
0

Sida uu sheegay wakiilka kooxda Chelsea Ruud Gullit macalinka hadda jooga kooxda Rafa Benitez  waa la badali doonaa iyadoo booskiisa la soo galinaayo macalinka kooxda Real Madrid Jose Mourinho marka uu dhammaado xilli ciyaareedka hadda socda.

Gullit  shaki magalin in Benitez uu dhaqaajinaayo, marka uu dhammaado heshiis-kiisa bisha June ee sannadkan.

“Rafa Benitez arrintiisa waa midda ugu horreysa maadama uusan keenin wax lau farxo intii uu joogay kooxda marka shaqadiisa waxaa la wareegi doonaa Jose Mourinho,” ayuu u sheegay shabakadda talkSPORT.

Wuxuu intaas ku daray in “ Waxan filayaa in Mourinho dib ugu soo laabto Chelsea.

“Waxan fileynaa in uu dib u soo laabto marka uu dhammaado  Champions League, maadama uusan heshiis cusub la gaarin kooxdiisa Real Madrid.” Ayuu yiri markale.

Sida uu yimid kooxda Benitez guulo badan ma gaarin The Blues-ka taasna waxaa ka niyad jabay milkiilaha reer Ruush.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet