Dalka Jabuuti oo maanta ay ka billaabanayaan Doorashooyinka baarlamaanka

Updated About:1 year ago
0

Dalka Jabuuti waxaa maanta oo Jimca ah ka bilaabmaya codbixinta doorashada baarlamaanka dalkaas.

Waxaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay magaalooyinka dalka Jabuuti ka socday olala doorashada oo ay wadeen axsaabta ka qaybgalaya doorashada.

Saaka 7-dii aroornimo ayaa la furay goobaha codbixinta, halkaasoo ay dad badan ku qulqulayaan si ay codadkooda uga dhiibtaan doorashada baarlamaanka.

Ammaanka goobaha doorashada ay ka dhaceyso ayaa aad loo adkeeyay waxanaa la dhigay ciidamo badan.

Isku soo duub, waxaa markii ugu horreysay doorashada maanta ka qaybgalaya kooxaha mucaaradka  muddo ka badan 10-sanno.

Doorashadan maanta waxaa dusha kala socda korjoogayaal caalami ah kuwaasoo qiimayn doona qaabka ay ku dhaceyso doorashadda.

Wixii ku soo kordha kala soco Shabakadda Midnimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet