OCHA oo ballaarineysa gargaarka ay ka bixineyso Soomaaliya

Updated About:1 year ago
0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in la ballaarin doono gargaarka la siinaayo dadka Soomaalida ee ku nool
dalka.

War qoraal ah oo maanta ka soo saaray xafiiska xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha gargaarka ee Soomaaliya oo magaciisa loo soo gaabiyo OCHA, ayaa lagu sheegay in QM ay qorsheynayso ballaarinta hawlaha ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Justin Brady oo ah madaxa xafiiska OCHA ee Soomaaliya, ayaa VOA u sheegey in hawlgaladooda gudaha dalka ay saamixi doonaan in dad badan gargaar loo fidiyo.

Wuxuu sheegay in shaqaale badan oo ka tirsan QM in ay hadda u soo guurayaan dalka Soomaaliya haddii ay ahaan lahaayeen kuwa maxali ah iyo kuwa caalami.

“Waan in aan maanka ku heyno siddii dad badan gargaar u heli lahaayeen kuwaasoo ku nool gudaha dalka” ayuu yiri Mr. Brady.

Wuxuu sheegay in saraakiishaas immaaneysa Soomaaliya ay ku jiraan kuwa ka maarmaya magaalada Nairobi oo ay joogi jireen.

Wuxuu kaloo sheegay in xafiisyo ay hadda ku lee yihiin Soomaaliya oo dhan gaar ahaan meelihii laga saaray Al-Shabaab sannadkii hore sida Baydhabo iyo Kismaayo.

Wuxuu yiri “ Waxaa la joogaa xilligii ugu fiicnaa ee Soomaaliya la maalgashan lahaa, sidaas oo ay tahay waxaa loo baahan yahay lacag dheeri si Soomaaliya loogu guuro” ayuu yiri mar kale Mr. Brady.

Ugu dambeen wuxuu sheegay sarkaalkan in ay dhexdhexaad yihiin marka loo eego gargaarka la siinaayo Soomaaliya oo dhan, Soomaalidana sidaas ay u arkaan.

Si kastaba, boqolaal qoys oo Soomaaliya oo ku sugnaa xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya, ayaa la sheegay in ay dib ugu laabateen deeganadii ay markii hore ka soo barakaceen iyadoo ay jirto baahi ay u qabaan in la gaarsiiyo gargaar bini aadminimo, dib u dejinna loo sameeyo.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada dadkooda ay adduunyada ku kala baahaay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet