Real Madrid oo diyaar la ah inay iska iibiso Ronaldo

| Friday, Feb 22, 2013 |

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa sheegay in uu diyaar u yahay siddii uu iibin lahaa xidigga reer Portugal Cristiano Ronaldo.

Sida laga xigtay wargeyska El Pais wuxuu lee yahay Perez ayaa damacsan in uu iska iibiyo Ronaldo maadama uu ciyaaryahanka diidday inuu saxiixo heshiis cusub.

Ronalo ayaa horrey u sheegay in xilligii uu joogay Manchester United ay u ahay waqtigii ugu fiicnaa ee soo maartay xirfadiisa ciyaaraha.

Maamulaha kooxda Real Madrid ayaa hadda doonaya in uu lacag ku helo Ronaldo uuna diyaar la yahay kooxdii rabta in uu ku wareejiyo.

Xidiggan ayaa la sheegay in ay baadi-goob ugu jiraan kooxaha PSG iyo Manchester City, laakin kooxda uu ciyaaro waxa iyana dooneysa in ku badalato xidigga u ciyaara kooxda horiyaalka    Premier League ee Tottenham  Gareth Bale iyo ciyaaryahanka qadka dhexe  Manchester City David Silva.

Waxaa Aqriyay (0)

Hoyga Wararka Midnimo.com
Email : webmaster@midnimo.com - midnimo12@gmail.com
Tags:

Leave a Reply


error: Content is protected !!