Turkiga oo meel ay Caruurta ku ciyaaraan ka hirgaliyay Muqdisho Sawiro

Updated About:1 year ago
0

Hay’ada bisha Cas ee Turkiga, islamarkaasna gacanta ku haysa kaamka Rajo ee ku yaal degmada wadajir maagalada Muqdisho, ayaa maanta halkaas ka hirgalisay meelo madadaalo ah oo ay caruurta halkaas ku xareeysan ku ciyaaraan maalmaha fasaxa.

Xafalada furitaanka ayaa waxaa si wadajir ah u furay  siihayaha Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Ariamah gudaha iyo amniga qaranka Mudane Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale) iyo  safiirka Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga  Dr. Kamaludin Kani iyo   Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga Mr. Serdar Gunel.

Turkiga, ayaa dhowr meelood oo waxbarasho iyo goobo lagu xanaaneeyo caruurta danta yar kahir galiyay magalada Muqdisho, waxayna xaruumahaan madadaalo ee uu maanta xariga laga jaray qayb kayihiin goobahaas.

Caruurta ku nool kaamka Rajo, ayaa iyagu aad ugu farxay goobahaan madadaalada ee uu Turkiga u sameeyay, waxayna sameeyeen isku soo baxyo iyo fantasyo ay ku cabirayaan sida ay ugu faraxsanyihiin.

Turkiga ayaa Soomaaliya yimid Sanadkii hore gaar ahaan xiligii ay abaaraha ku dhufteen qaybo kamid ah Soomaaliya, waxa uuna ahaa doowladuii ugu horeesay oo si rasmi ah ugu soo gurmata Soomaaliya, iyadoona lawada xasuusto booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Ra’iisulwasaaraha dalkaas iyo qoyskiisa ku soo gaareen Caasimada Muqdisho, wixii markaas ka danbeeyayna Turkiga waxa uu ahaa saxaaibka rasmiga ah ee Soomaliya, waxa uuna bilaabay maalgashiyo iyo mashaariic waa weyn.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

FG:Ka dhiibo fikirkaada qoraalkan

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet