Bekir Bozdag Oo Muqdisho Soo Gaaray

Updated About:2 years ago
0

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdag, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, wafdigan oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Adde, ayaa dadkii soo dhaweeyay waxaa kamid ahaa Wasiirada arimaha dibadda ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Wafdigan ayaa lasoo galbiyay qeybaha kale ee magaalada isagoo kormeer kutagey xarumo ay horay Dowlada Turkigu uga hirgelisay Soomaaliya kuwaasoo uu soo indha indheeyay sida ay u shaqeynayaan.

Wafdigaan ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Muqdisho, waxaa lagu wadaa ineey booqdaan xaruun lagu barto cilmiga beeraha taasoo dhawaan ay Turkiga ka hirgaliyeen magaalada Muqdisho, sidokale waxaa lagu wadaa ineey booqdaan dhamaan goobaha uu Turkiga ka wado dhismayaasha sida laamiyada iyo xaruumaha doowlada.

Dowlada Turkiga ayaa kawada dalkeena mashaariic farabadan oo lagu horumarinayo Soomaaliya Waxaana ay horay gurmad balaaran ugu sameeyeen dadkii Soomaaliyeed markii ay abaaraha ba’ani Kudhufteen gobolo kamid ah koonfurta Soomaaliya.

Warkaan oo faah faahsan waxaad kaga bogan doontaan wararkeena soo socda insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet