Faah-Faahin Dab ka kacay xerada Xagardheer

Updated About:2 years ago
0

Waxaa faah-faahin laga helayaa dab xooggan oo xaley ka kacay xerada qoxootiga gobalka waqooyi bari dalka Kenya.

Sida ay lee yihiin goobjoogayaal ku sugan Xardheer Shan qof ayaa ku dhaawacmeen dabka oo xaley ilaa saqda dhece uu socday.

Dabka ayaa la sheegay in uu baabi’yay dukaamo, guryo iyo hotelo kuwaasoo ku yaalla xerada qaxootiga Xagardheer oo ka tirsan xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Dadka ku dhaawacmay dabka ayaa qaba dhaawacyo kala duwan, waxaana la geeyay isbitaalka Xagardheer.

Lama oga waxa dabkaa sababay, mana cadda inuu jiro khasaare hantiyeed oo uu geystay, waxayna goobjoogayaashu sheegayaan in uu socda isku day lagu doonayo in lagu damiyo.

Marar badan oo hore ayaa xerada qaxootiga ee Xagardheer waxaa ka kacay dab khasaare badan geystay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet