Soomaaliya oo si rasmi ula wareegtay safaaradii ay ku lahayd Nairobi

Updated About:1 year ago
0

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Cali Ameeriko, ayaa shaaca ka qaaday in Safaarada Soomaaliyeed ee Kenya si rasmi ah loogu soo wareejiyay waraaqaha rasmiga ah ee lahaanshaha dhismihii Safaarada Soomaaliya ee uu muranka ka taagnaa.

Dhulkaan Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa 1995 si qalad ah nin halkaas safiir ugu ahaan jiray Soomaaliya ku iibiyay, ayaa safaarada Soomaaliya iyo Jaaliyada halkaas ku noolba waxay mudo dadaal ugu jireen sidii markale gacanta doowlada loogu soo celin lahaa, kuwaasoo dib u furay maxkamad, iyagoona ku guuleystay dacwadaas kadib markii ay maxkamada Sare ee dalka Kenya xukuntay in dhulkaas ay leedahay doowlada Soomaaliya sanadkii 2010.

Laakiin ilaa iyo xiligaas majirin wax warqado aqoonsiga lahaanshaha dhulkaas ah oo ay doowlada Kenya kusoo wareejisay safaarada Soomaaliya ee Nairobi.

Arintaan ah in warqadaha aqoonsiga ay doowlada Kenya kusoo wareejisay safaarada Soomaaliya ee Nairobi ayaa ka dhigan in doowlada Soomaaliya ay hada wixii ka danbeeya si rasmi ah ula wareegtay dhismaha Safaarada ee markii hore sida qaldan lagu iibiyay.

Danjire Cali Ameeriko, oo u waramayay VOA-da ayaa sheegay in ay dayactir ku samaynayaan dhismaha safarada islamarkasna ay goordhow u guuri doonaan, iyagoona ka guuri doono guri kiro ah oo ay in mudo ah daganaayeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet