Dagaalka Argagixisada, waa diinta cusub ee reer galbeedka

Updated About:1 year ago
0

Wargeyska The Independent ee kasoo baxa dalka Britain, ayaa saakay bogiisa hore kusoo qoray maqaal uu ugu magac daray “Dagaalka aragagixisada, waa diinta cusub ee reer galbeedka”.

Qoraaga qoray maqaalkan ayaa diirada saaray sida ay reer galbeedka ula tacamuleen urur weynaha Al-qacida, (gaar ahaa duulaankii uu Mareeykanka ku qaaday wadanka Ciraq, iyo duulaankii dhawaan uu Faransiiska ku qaaday wadanka Mali).

Ninka qoray maqaalkan, ayaa soo bandhigay document sir ahaa kaasoo muujinaya qorshaha Al-qaacida, kaasoo muujinaya ineey doonayaan in 2020 marka uu sanadka yahay ay Caalamka ka hirgaliyaan doowlad islaami ah, sidokalena ay xureeyaan dhamaan dhulalka ay haystaan gaalada.

Qorshaha Al-qacida, ayaa waxaa koow ka ah ineey weeraraan wadamada Islaamka ah oo ay ku suganyihiin Ciidamada Mareeykanka iyo kuwa Nato, iyagoo aaminsan ineey garab ka helayaan Muslimiinta ku nool wadamadaas, taasoo ugu danbeyntiina keeni doonta inuu hoos u dhaco dhaqaalaha wadamada reer galbeedka.

Ninka qoray maqaalkan ayaa aad udhaleeceeyay figrada reer galbeedka, iyo ineey fahmi waayeen qorshaha Al-qacida, iyo sida ay ugu guuleystay ineey awoodeeda ku balaariso wadamo badan iyo kicinta dadka.

Waxa uu aad u dhaliilay in reer galbeedka ay fahmi waayeen Fikirka Al-qaacida, iyo ineey diirada saaraan meelaha ay awooda ku leeyihiin.

Qoraaga maqaalkan ayaa gabagabada qoraalkiisa isku weydiiyay sababta ay reer galbeedka iskugu mashquulinayaan duulaanka ay ku qaadaan wadamada Islaamka halkii ay cadaalad ka samayn lahaayeen Falastiin,  koofurta lubnaan, Ciraq, iyo Kashmir.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet