Damaashaadka Xeebta Liido iyo Galabta Jimcaha Sawiro

Updated About:1 year ago
0

Xili shalay Casirkii labo qarax oo waaween ay ka dhaceen maqaayada Indian Occian oo ku taal Xeebta Liido, ayaa hadane dadka reer Muqdisho waxay ahaayeen kuwo wax saameyn ah ku yeelan qaraxyadaas, oo waxay sii wateen ineey ku damaashaadaan neecaawda Xeebta Liido.

Dadka ugu badan ee usoo damaashaad taga Xeebta Liido oo ah dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, ayaa ahaay kuwo sidii caadada u ahayd shalay ugu soo damaashaad tagay xeebta Liido.

Cali Xasan, waxa uu kamid ahaa dadka shalay galab usoo damaashaad tagay Xeebta Liido, waxaana uu noo sheegay in wax saameyn ah aysan ku yeelan qaraxyada ka dhacay Xeebta Liido.

“Dadkaan waa la qabsadeen qaraxyada iyo dilalka, marka waa caadi waxaas wax saameyn ah naguma yeelan doonto, dadka wax qarxiya ujeedkooda waa ineey indhaha qabtaan bulshadaan iyo magaaladan hada soo kabaneysa” ayuu yiri Cali oo u waramayay midnimo.com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet