Howsha lagu mataaneenaayo Muqdisho iyo Istanbul oo si fiican u socota Warbixinno & Sawirro

Updated About:1 year ago
0

Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socda howsha lagu
mataaneenaayo magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul.

Dowladda Turkiga ayaa sannadkii horre waxa ay heshiis la gashay
dowladii ku-meel-gaarka waxaana ay hadda ka wadaa magaalada Muqdisho
howlo lagu mataaneenaayo labada magaalo.

Turkiga magaalada waxa ay hadda ka wadaan dib u dhis ballaaran,
iyagoona ka dhisay xarumo waaweyn. Waxaa kaloo ay magaalada ka wadaan
dib u dhis ay kahayaan qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.


Laga billaabo waddada gasha garoonka diyaaradaha, illaa Makah
Al-Mukaramah waxaa uu Turkiga ka wadaa dib u dhis ballaaran, waxa ay
dhisayaan wadooyinka laamiga kuwaasoo ay shamiinto ka dhigaya.


Turkiga dhismahan waxa ay u soo direen shaqaale u dhashay dalkooda
kuwaasoo waddooyin muhiim ah ka dhisay magaalada.


Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa burbursanaa tan iyo sannadkii
1991-dii xilligaas oo dalka ay ka dhaceen dagaallo xooggan.

Burburka waddooyinka ayaa sababay in shilal badan oo dhinaca gawaarida
ay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Turkiga waxa ay ka mid tahay waddamada ugu horreeya ay ka go’antahay
siddii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka Soomaalida.


Haddaba caawa waxa ay shabadda Midnimo idiin soo gudbineysaa sawirro
muujinaya dhismooyinka waddooyinka ay ka socdaan magaalada Muqdisho.


Turkiga ayaa sheegay in ay mataaneen doonaan magaalooyinka Muqdisho
iyo Istanbul ee caasimada Turkiga.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet