Mareeykanka oo soo dhaweeyay sii deynta haweeneey la kufsaday

Updated About:2 years ago
0

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee dalka Mareeykanka, ayaa lagu sheegay in Mareeykanku uu soo dhaweeynayo go’aankii ay maxkamada racfaanka gobolka banaadir kusii deysay haweeneey sheegtay in ay kufsadeen qaar kamid ah Ciidanka doowlada Soomaaliya, oo ay kal hore maxkamada gobolka ku xukuntay halsano oo xarig ah.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu muujiyay in Mareeykanku uu ka xunyahay go’aanka ay maxkamada wariye C/casiis ugu xukuntay mudo 6 bilood ah, taasoo soo yareeyneysa xukunkii horay ugu dhacay ee ahaa 1 sano.

War saxaafadeedka kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda Mareeykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in R/wasaaraha Soomaaliya ay kula mideysanyihiin inaan la dhibaateyn Saxafiyiinta Soomaalida.

Ugu danbeyntii ayaa war saxaadeedka, waxaa masuuliyiinta doowlada looga dalbaday ineey xaqiijiyaan arimaha garsoorka iyo cadaalada, iyo dhowrida xuquuqda aadanaha, oo ay ku jirto xuquuqda haweenka iyo tan xuriyatul qowlka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet