Falanqaynta kulanka dhex maraya Manchester United iyo Real Madrid

Updated About:1 year ago
0

Tababaraha kooxda Manchester United r Alex Ferguson ayaa sheegay in uusan si dhagso uga hadli Karin ciyaarta dhex maraysa kooxdiisa iyo kooxda Real Madrid habeenka Talaadada ee caawa.

Real Madrid ayaa u soo safartay Old Trafford, si ay halkaas lugta labaad ee 16-ka horiyaalka koobka kooxaha Yurub.

Kooxda macalin Jose Mourinho ayaa seddax iyo hal Barca ku garaacday tallaadadii hore koobka boqorka Copa del Rey .

Intaas uguma simin oo mar kale ayey Madrid dhagta u dartay Katalaaniga labo iyo eber horiyaalka dalka Spain ee La Liga sabtiga toddobaadka.

Labadaas natiijo ee Madrid, waxa ay Ferguson ku abuurtay jahwareer, isagoona ka walwalsan natiijada soo bixi doonta.

Labada koox horrey ayey Bernabeau isku arkeen wallow hal iyo hal ay ku kala tageyn.

“Ma rabo in aan ka hadlo ,kulanka Tallaadada, laakin wax kasta waxa ay soo bixi karaan marka ciyaarta ay dhammaato,” ayuu yiri Ferguson.

Kulanka wax yaabaha kale ee ahmiyada la saaray wuxuu yahay iyadoo Ronaldo markii ugu horreysay tan iyo 2009-kii uu ku soo laabanayo kooxdiisii hore ee Manchester , markaas oo uu ka tagay.
Ferguson dhowr ciyaartooy oo uu keed gashtay kulankii  Norwich  ayuu caawa ciyaar siin doonaa waxaana ka mid ah xidigga reer Dutch ee Robin van Persie oo weerrarka u xil saaray.

Waxaa kaloo ka mid ah xidiggaha caawa la arki doono ciyaaryahanka qadka dhexe ee  Ryan Giggs oo kulankii 1000-u ciyaaraya kooxda Red Devils.

Sidoo kale weerraryahanka Shinji Kagawa ayaa laga yaabaa in lagu soo billaabo dhinaca weerrarka maadama markii ugu horreysay uu hal mar seddax gool ka dhaliyay kulankii Norwich, Sido kale Wayne Rooney  ayaa ku jira dhinaca weerrarka.

Dhinaca kooxda Real Madrid, waxaa u ciyaari doonaa Ronaldo, iyo dhowr kale oo weerrar yahan sida Karim Benzema, Mesut Oezil, Luka Modric, Kaka iyo Michael Essien.

Kooxda Manchester sannadkii 2003-ta ayaa looga badiyay 4 iyo seddax tartanka koobka kooxaha yurub.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet