Kenya:Uhuru Kenyata oo waxyar Ka horeeya Raila Odinga

Updated About:2 years ago
1

Guud ahaan dalka Kenya, waxaa ka soconaya tirinta codadka doorashooyinka madaxweynaha, iyadoo ay codadkooda dhiibteen dad kabadan intii lafilayay, taasoo sababtay in waqti dheeraad ah lagu daro meelaha qaar, kadib waqtigii rasmiga ahaa.

Natiijooyinka hor udhaca ah, ayaa muujinaya in 25% codadkii la tiriyay ay muujinayaan in Uhuru kenyata, uu wax yar kahoreeyo ninka ay sida aadka ah u tartamayaan ee Raila Odinga.

Madaxa gudiga doorashooyinka dalka Kenya, ayaa sheegay in natiijada ay ila iyo hada tahay mid hor udhac ah, waxaana uu dadka ugu baaqay ineey muujiyaan sabar ilaa iyo inta laga soos aarayo natiijada kama danbeysta ah.

Meelaha qaar ee ay dadka codadkooda ka dhiibanayeen sida magaalo xeebeedka Mombasa, ayaa waxa ka dhacay rabshado uu dhiig ku daatay, waxaana ilaa iyo hada la xaqiijiyay dhimashada 15 qof, qaar kamid ah masuuliyiinta dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in kooxda dhaqdhaqaaqa gooni goosadka ah ee ka dagaalama Mombasa ay iyagu masuul kayihiin rabshadaha.

Uhuru kenyata, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horeeyay dalka Kenya, “Jomo Kenyata” kadib markii Kenya ay qaadatay xurnimadeeda, ayaa waxaa dacwad kaga furantahay maxkamada Caalamiga ah ee ICC, waxaana lagu eedeeyay inuu qayb ka ahaa dilal iyo rabshado ka dhacay Kenya 2007 xiligii doorashada.

Kormeerayaal ka socda dalalka Yurub iyo doowladaha gobolka, ayaa kormeeraya doorashadan, sidokale waxaa kamid ah Xaruunta Carter, oo xaruuntiisa tahay dalka Mareeykanka.

Hanbalyo:

Raila Odinga, R/wasaaraha dalka Kenya hadana ah ninka tartanka adag kulajira ku xigeenkiisa Uhuru kenyata, ayaa sheegay in hadii isaga laga guuleysto uu u tahniyeen doono qofka ku guleysta, waxaana uu sheegay in qofka noqda madaxweynaha dalka Kenya ay waajib ku tahay inuu matalo dhamaan dadka reer Kenya.

Odinga, waxa uu sheegay inuu ku kalsoonyahay inuu isaga ku guuleeysan doono wareega koowaad.

Weeraro ka dhacay meelaha qaar:

Saraakiisha Ciidamada amanka Kenya ayaa sheegaya in 6 kamid ah Ciidamada amaanka ay maanta dhinteen, kadib markii ay 200 oo kamid ah kooxaha gooni u goosadka oo u soo labistay sida askarta oo kale ay meel kamiin ah u galeen askar ilaalineeysay goobaha cod bixinta.

Weerarka ayaa dhacay waxyar kahor intaan albaabada loo furin goobaha codbixinta, waxaana magaalada Mombasa la geeyay ciidamo dheeraad ah oo gaaraya ilaa 400 askari kuwaasoo ilaalinaya goobaha cod bixinta.

Dhanka kale, magaalada Garissa, waxaa ku dhintay hal qof, kadib markii la maqlay dhowr qarax oo nuuca banbaanada gacanta laga tuuro ah.

Wariyaasha ku sugan magaalada Nairobi, ayaa sheegay in jawiga Caasimada uu yahay mid aad u dagan, islamarkaasna dadka ay ku hadaaqayaan halku dhigyo kus aleysan in la ilaaliyo nabadda.

HRW, ayaa kadigtay in ay dhacaan dhibaatooyinkii dhacay xiligii doorashada 2007, markaasoo dad kabadan ilaa 2,000 qof ay dhinteen, tiro intaas kabadan ay ku bara baxeen, waxaana laga baqayaa ineey dhacaan dhibaatooyin kuwaas ka xanuun badan marka lagu dhawaaqo natiijada kama danbeysta ah.

Natiijada kama danbeysta ah ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo 11/3/2013, iyadoo lagu wado in natiijada hordhaca ah lagu dhawaaqo 48 saac ee nagu soo fooda leh.

Maxaa laga doonayaa Musharraxa?

Si musharraxa Madaxweynuhu u guuleeysto waa inuu helaa 50 boqolkiiba iyo hal dheeri codadka guud ee la tiriyay iyo boqolkiiba 25 codadka 24 ka mid ah 47 deegaan.

Tani waxa ay tahay mid lagu xaqiijinayo in qofka guuleysta uu yahay mid taageero ka heysta dalka oo dhan iyo dhamaan qowiyadaha kala duwan.

Haddii taasi ay dhici weyso waxaa la gelayaa wareeg labaad, oo doorasho ah oo la qabanayo 30 maalmood gudahood, oo ka bilaabaneysa marka natiijada lagu dhawaaqo.

Waxaa dadku ay dooranayaan labada musharrax ee ugu codka badnaa wareegga koowaad.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (1)

Leave a Comment
The comments you read here belong only to the person who posted them. We do, however, reserve the right to remove off-topic comments.

  1. A lot of thanks for all your effort on this blog. Gloria really likes engaging in investigations and it’s easy to see why. A lot of people learn all concerning the lively method you produce good things through the web blog and therefore invigorate participation from other individuals about this point while our own simple princess is actually discovering a lot of things. Enjoy the remaining portion of the new year. Your doing a fabulous job.

Leave a Commnet