Soomaliya oo markii ugu horreysay bilad dahab ah ka soo hoysay tartanka Takwandhowga.

Updated About:1 year ago
0

Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay guddiga ciyaaraha fudud ee dalka Soomaaliya. Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku guuleesatay bilad dahab ah.

Xoghayaha guud ee guddiga Olombikada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay xaley magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay  dib u soo ceshatay dhowr iyo toban sanno kaddib sharaftii ay ku lahayd ciyaaraha.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “ Guddiga olombikada Soomaaliya waxa uu sameeyay horrumar fiican oo ku saasan horrumarka dhinaca ciyaaraha fudud.
Labo wiil oo Soomaali ah oo ka qaybgalaayay ciyaaraha fudud ee Athletikada ayaa guulo ka keenay tartan ka socday dalka Masar.
Labadan wiil oo ku kala nool waddamada Switzerland iyo Brazil ayaa guulo lagu faani karo ka gaaray tatarnka Alexandria International Open oo ka socday magaalada Alexandria ee dalka Masar intii u dhexeysay 20-27 February sannadkan 2013-ka
Maxamed Deeq Cabdulle Maxamed ayaa ku guuleestay bilad culeyskeeda uu wayn yahay halka .Faysaal Jeylani Aweys uu isna ka galay tartanka kaalinta 4-aad.
Bishii January, Faysal Aadan wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii kooxda qaranka Soomaaliya ee kubadda kolayga waxaana uu ku nool yahay dalka Maraykanka.
Isagoo jabiyay Rikoor u u yaalla tartanka FIBA oo ah tartanka Africa Zone V, waxaa u dhaliyay 59 dhib kulankii ay kaga horjeedeen kooxda Rwanda.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet