Sudan oo digniin u dirtay Israel

Updated About:1 year ago
0

Dowladda Sudan ayaa sheegtay shaley in ay ka warheshay Israel in ay billowday musaafurinta muwaadiin ka soo jeeda dalkeeda oo ku sugan Israel.

Warkan ayaa waxaa uu si fiican u soo shaacbaxay markii wargeyska koobaad ee ka soo baxa Israel ee lagu qoro afka Ingiriiska Haaretz uu daabacay Talaadadii hore in ka badan 1,000 qof oo reer Sudan ah in la doonayo qaab qarsoodi ah in loogu musaafuriyo dal seddaxaad.

Wargeyska oo soo xiganaya u dhaqdhaqaaq xuquuqda aadanaha ah isla markaana hoggaamiye u ah xisbiga shaqaalaha ee Labor Party oo daboolka ka qaaday in dowladda ay damacsan tahay musaafurinta dad soo galooti ah, waxaana tallabadaas uu ku tilmaamay mid aan la aqbali Karin.

Israel in kastoo aysan ka hadlin arrintanj haddana waxa ay rabtaa in dal seddaxaad ay u musaafuriso dadkan in kastoo aan la sheegin dalkaas magaciisa.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga (UNHCR) waxa ay sheegtay in aysan ka warheynin warka ku saabsan in la musaafurinaayo dad u dhashay dalka Sudan oo ku sugan Israel.

Sudan waxa ay ku sifeesay Israel dal cadow ah, waxana ay u digtay muwaadiniinteeda in ay u soo safraan Sudan.

Hey’addaha u doodda xuquuqda aadanaha waxa ay dowladda Israel ugu baaqeen in ay joojiso musaafurinta dadka Sudan u dhashay ee dalkeeda ku nool.

Sarkaal u hadlay qolyaha mucaaradka waxa uu ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu ka codsaday in uu baaro arrintan oo sumcad xumo u keeni karta ayuu yiri dowladiisa

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet