Capello oo beeniyay in uu Chelsea ku soo jeedo

Updated About:2 years ago
0

Tababarihii hore ee kooxda qaranka England, Fabio Capello ayaa iska fogeeyay wararka sheegaya in uu ku soo jeedo garoonka Stand Ford Brich iyo kooxda Chelsea si uu badalo Rafael Benitez.

Capello oo hadda macalin u ah kooxda qaranka Russia ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa aan sal iyo baar toona lahayn, isla markaana uusan hadda ku soo socon Chelsea.

Macalinka hadda jooga kooxda Benitez ayaa la kulmay dhalaaceyn fara badan makii kooxda guul darooyin is meerteen.
Sidoo kale macalinkan reer Spain ayaa dhalaliilo iyo eed kala kulmay taageerayaasha kooxda Blueska.

Capello, ayaa u sheegay  idaacad ciyaaraha ka hadasha oo lagu magacaabo Radio Anch’io  oo ku taalla dalka Ruushj-ka in uusan ku soo jeedin galbeedka London.

“Illaa hadda ma helin wax yabooh, oo waxaan hadda ahmiyada koobaad siinayaa kooxda qaranka Rassia, aad ayaan u dareemayaa qanacsanaan in aan joogo Moscow.” Ayuu yiri 56-jirkan reer.

Arrintan oo kale ayaa horrey sannadkii 2009-ka waxa ay u soo martay macalinkii kooxda Ruush-ka ee
Guus Hiddink kaddib markii si ku-meel gaar ah loogu dhiibay kooxda Chelsea, waxaana kolkaas kooxda ay iska ceyrisay Luiz Felipe Scolari,.

Waxaa Hnddink kula guuleestay kooxda koobka FA Cup.

Capello ayaa macalin u soo noqday kooxahaReal Madrid, Roma, Juventus iyo AC Milan, waxaana uu hadda hoggaaminaaya kooxda qaranka Russia oo afar ciyaarood ku guuleesatay is-reebreebka tartanka kubadda cagta adduunka ee la qabanayo sannadka na soo aadan ee 2014 FIFA.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet