Doowlada iyo Ahlusuna oo heshiis kala saxiixday

Updated About:1 year ago
0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq, ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay heshiis wada gaareen maamulka Ahlusna iyo doowlada Soomaaliya, waxaana heshiiskaan oo qodobo badan ka koobnaa Saxaafada usoo gudbiyay, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.

Dhinaca culumaa’udiinka Ahlusuna kulanka waxaa uga qeybgalay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa gudoomiyaha golaha Fulinta, gudoomiyaha talada, iyo xubno kale oo ka mid ahaa maamulka Ahlusuna ee gobolada Dhexe, kuwaas oo muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin heshiiska ay ciidamadooda ugu biirinayaan ciidamada qalabka sid.

Wasiirka Arimha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in wadahadaladani ahaayeen kuwo soo socday in muddo ah, balse sida uu sheegay xalay degmada Cabuudwaaq lagu kala saxiixday heshiis kama dambeeys ah, wuxuuna ku tilmaamay heshiiskaasi in uu yahay mid taariikhi ah oo dhabaha u xaaraya wadashaqeyn wanaagsan oo dowladu la yeelato qeybaha bulshada.

Wasiirka Arimha gudaha iyo amniga Qaranka, ayaa ka dhawaajiyay in Ciidamada ahlusuna ay hada wixii ka danbeeya si toos ah uga mid noqon doonaan Ciidanka doowlada Soomaaliya, taas badalkeedana Ahlusuna laga abaal marin doono waxyaabihii ay horay usoo qabteen, iyo dagaaladii ay lasoo galeen Al-shabaab, doowlada Soomaaliya uga abaal mariso.

Heshiiskan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhexmara doowlada Federaalka Soomaaliya iyo Ahlusuna, kaasoo dhinacyo badan taabanaya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet