Faah-faahin| Kulankii xaley dhex-maray Manchester United & Real Madrid

Updated About:1 year ago
0

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa la waayay markii ay soo dhammaatay ciyaartii labada kooxd Manchester United iyo Real Madrid ee ka tirsaneed horiyaalka kooxaha qaaradda Yurub.

Real ayaa habeenkii xaley 2 iyo ku garaacday kooxda Manchester lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka Yurub.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka caanka ee Old Trafford, ayaa xiddigga United-ka garabka uga ciyaara ee Nani wuxuu dhaliyay goolkii koobaa, in kastoo goolkaas uu ahaa mid uu iska dhaliyay Sergio Ramos.

 

Ciyaarta ayaa qaybtii koobaad waxa ay ku dhammaatay 1 iyo 0 oo ay ku hoggaamineyso kooxda Martida loo yahay.

 

Laakin daqiiqadii 56-aad ayaa karaka casaanka loo taagay Nani lagana saaray ciyaarta, waxaana taas ay dhabar jab ku noqotay ciyaartoyda kooxda oo 10 ku soo haray.

 

Ciyaarta waxa ay socotaba Luka Modric ayaa dhalioyay goolka barbardhaca isagoona u raaciyay Cristiano Ronaldo gool kale oo hubanti ka dhigay in Man U ka hartay tartanka koobka kooxaha qaaradda Yurub.

Natiijadan ayaa ku soo beegantay toddobaad gudaheed markii kooxda Spainishka labo jeer ka tuntay kooxda ay xafiil tamaan ee Barcelona.

Muxuu ka yiri Macalinka kooxda Real Madrid Mourinho guul darada soo gaartay Manchester United?

Wuxuuna sheegay Jose Mourinho inuu aaminsan yahay Manchester United ay ka wanaagsan tahay kooxdiisa markii loo eego intii lagu guda jiray ciyaartii xaley Real Madrid ay 2-1 kaga adkaatay  kooxda ka dhisan  Old Trafford.

Nani ayaa laga saaray ciyaarta markii ay isku dhaceen Alvaro Arbeloa, taasoo ka hor inta aan ciyaarta laga saarin uu garsooraha ciyaarta labo jeer u digay.

Kooxda Red Devils ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay markii Sergio Ramos iska dhaliyay kubad uu soo tuuray Nani oo karoos ahayd.

Laakin goolkaas ma ahan mid ay ku raagtay Man U oo Luka Modric iyo Cristiano Ronaldo ayaa waxbo kama jiraan ka soo qaaday oo quusiyay rajada kooxda Ingiriiska.

Isagoo la hadlaayay,Talafishanka ITV ayuu Mourinho sheegay in kooxda ugu wanaagsan ay soo gaartay guul daro xittaa uusan ku qancin kaarka loo taagay xidigga ay isku dalka yihiin ee Nani.

Mourinho wuxuu kaloo la hadlay Sky Sports isagoo qiray in kooxdiisa laga ciyaar fiicnaa oo marka la isku barbar dhigo ciyaartii ay la ciyaareen Barcelona.

Waxaan sugaayay in kooxdeeda halkan timaado aad ayey kuu cajabineysaa marka qaar kubadda cagta”

Wuuu sii hadlay “ Waan ogahay in Manchester kaliye ahayn koox jir ahaan ka dhisan ee xittaa maskax ahaan waa ay ka fiican tahay” ayuu yiri.

Mar la weydiiyay haddii ay isku soo beegmaan Dortmund wuxuu sheegay in qofna aysan ka hadli Karin arrintaas.

Si kastaba, isku aadka wareega  quarter-finals  koobka kooxaha qaarada Yurub ayaa lagu sameen doonaa  magaalada Nyon bisha  March 15.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet