Madaxweynihii Venezuela Hugo Chávez oo geeriyooday

Updated About:1 year ago
0

Dowladda Venezuela ayaa ku dhawaaqday in uu geeriyooday madaxweynihii  dalkaas Hugo Chávez oo xanuun in mudda hayay.

Madaxweyne ku xigeenka Nicolás Maduro ayaa ka sheegay TV-ga iyo Idaacadda dowladda in lagu soo wargaliyay war ku saabsan in uu Mr.  Chavez ku geeriyooday Isbitaal ay lee yihiin Millatariga oo ku yaalla Caracas Talaadadii shaley.

Wuxuu ku dhintay 58-jir isagoo ah, waxuu ahaa hoggaamiye si wayn looga jecel yahay dalka oo dhan sidaas waxaa yiri wariye ku sugan caasimada Venezuela ee Caracas.

Chavez, ayaa loogu qaaday baaritaan caafimaad Isbitaal bishii February 18 , kaddib markii u ku kordhay xanuuunka dhinaca Kansar,

Labo bil ayuu isaga daba noqanayay caasimada Cuba, ee Havana , waxaana halkaas loogu sameeyay qaliinkiisii afaraad ee Kansar bishii December tan iyo June sannadkii  2011.

Waxaa lagu dhawaaqay toddobo maalin oo baroor diiq, waxaana hoos loo dhigay calanka.

Ku-xigeenkiisa Nicolás Maduro ayaa sheegay Mr. Chávez in uu ku geeriyooday isbitaal ay lee yihiin ay Millatariga oo ku yaalla Venezuela

Wuxuu ka mid ahaa dalkiisa afarta dal ee ku yaalla Laatin America ee shidaalka dibedda u dhoofiya.

Sidoo kale, Mr. Chávez  wuxuu hoggaaminaayay dhowr waddan oo doonayay in ay yareeyaan awooda Maraykanka gobalka.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet