Ciidamada Faransiiska oo bishan soo socota isaga baxaya Mali

Updated About:2 years ago
0

Madaxweynaha dalka France, Francious Holland, ayaa sheegay in Ciidamadiisa ku sagan dalka Mali, ay kasoo baxayaan bilaawga bisha Abril ee fooda nagu soo haysa.

Holland, ayaa sheegay in meel gaba gabo ah ay marayaan howlaha ay ciidamadiisa ka wadaan wadanka Mali, islamarkasna dhamaadka bishaan Ciidamada France ay isaga soo baxayaan wadankaas.

Holland, waxa uu sheegay in Ciidamadiisa ay waqooyiga Mali ku dileen rag sar saroo katirsan Al-qaacida, laakiin ma’uusan xusin magacyadooda.

Saraakiil katirsan Ciidanka France, ayaa sheegay in mid kamid ah askarta Faransiiska iyo 10 katirsan dagalyahanada ay dhinteen, kadib dagaal ku dhexmaray bariga magaalada Gaaw.

Faransiiska ayaa sheegay in 4 askari oo kaliya ay kaga dhinteen dagaalada Mali, tan iyo markii ay gudaha u galeen wadankaas.

Kooxo xiriir la leh urur weynaha Al-qacida, ayaa sanadkii hore waxay qabsadeen qaybo waa weyn oo katirsan waqooyiga Mali, kadib afganbigii wadankas ka dhacay, taasoo keentay in Ciidamada faransiiska ay gudaha ugalaan wadankaas, kadib cabsi isa soo tartay taasoo ku aadan in kooxaaan ay soo hunguriyeyeen iney qabsadaan magaalo madaxda wadankaas “Bomako”.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Comments are closed.