Madaxweyne Xasan Shiiq oo soo dhaweeyay qaadista Xayiraada hubka

Updated About:1 year ago
0

Madaxweynaha doowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa si diiran usoo dhaweeyay go’aankii shalay kasoo baxay golaha amaanka, kaasoo aha in la qaaday qayb kamid ah xayiraadii hubka ee saarneyd Soomaaliyaa, mudo kabadan 20 sano.

“Waxaa jirto xisaabtan iyo masuuliyad la socota go’aankaas.Golaha Amaanka Go’aankooda wuxuu si sax ah ula socdaa isbedelka cusub ee siyasadeed ee ka jira Soomaaliya.” Cunuqabateyntan ayaa Golaha Amaanka si qeyb ah uga qaadeen Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri madaxweynaha.

“Kumanaan Ciidamadda ee Xooga Dalka oo ay soo tababreen dalalka aan saaxibada nahay ayaa Soomaaliya dib ugu soo laabtay, nasiib daro qalab la’aan ayaa  caqabad ku noqotay si ay howshooda u gutaan . Ciidamadaan ayaa si wadajir ah howlaha amniga ula fuliyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM” ayuu markale yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa u mahad celiyay golaha amaanka, iyo sidii ay u meel mariyeen qaraarkan ogolaanaya in mudo sanad ah ay doowlada Soomaaliya soo iibsan karto hub fudud si loo tayeeyo Ciidamada qaranka Soomaaliya, sidoo kale waxa uu sheegay in doowladiisa ay ku dadaali doonto meel marinta shuruudaha daba yaal qaadista xayiraada hubka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet