Milan oo shaacisay in ay la soo saxiixaneyso Xavi iyo Totti

Updated About:2 years ago
0

Isu duwaha guud ee kooxda AC Milan ayaa daboolka ka qaaday in ay ku dhow yihiin la soo wareegitaanka xidigaha kala ah Francesco Totti iyo Xavi.

Madaxweyne ku xigeenka kooxda Adriano Galliani ayaa sheegay in meel fiican u mareyso la soo saxiixitaanka xiddiga reer Talyaani Francesco Totti iyo Xavi kuwaasoo ay doonayaan in ay ku soo biiriyaan nadiga.

68-jirkan ayaa sheegay in lagu dhaw yahay la soo wareegitaanka xidigga guulaha gaarsiiyay Rossoneri.

Seddax jeer ayey Milan isku dayday in la soo wareegto Totti, waxaana hadda la filayaa in ay soo caga dhigto garoonka San Siro.

” Totti ayaa la soo saxiixan doonaa haddii aan nahay  AC Milan? Ayuu yiri Galliani, isagoo intaas ku daray in ay la soo saxiixan doonaan Xavi …” wuxuu warkan siiyay wareysjka Gazzetto dello Sport.

Galliani ayaa sheegay in aad ula socdo Totti, oo noqday xidigga labaad ee ugu gool dhalinta badan horiyaalka Talyaaniga ee.

Goolkiisii 225-aad ayuu dhaliyay markii Axadii ay la cayaartay kooxda Genoa.

Silvio Piola ayaa horiyaalka Talyaaniga wuxuu ka dhaliyay 27gool, waana ciyaaryahanka heesta Rikorkaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet