Cabsi soo foodsaartay Soomaalida Kenya

Updated About:2 years ago
0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, ayaa mar uuw areysi siinayay warbaahinta muqdisho, waxa uu sheegay in ay jiraan cabsiyo farabadan oo ku aadan in dalka Kenya ay ka dhacaan qalalaaso siyaasadeed, kadib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada, taasoo saameyn ku yeelan doonta Soomaalida halkaas ku dhaqan.

Danjiraha, ayaa sheegay in intii ay socotay codbixinta ay jireen cabsiyo farabadan oo soo wajahay Soomaalida halkaas ku dhaqan, waxaana uu xusay in ilaa iyo hadda ay xiranyihiin goobihii ganacsi ay Soomaalida ku lahayd xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

“Cabsi wey jirtaa, dadkana way taxadirayaan, ganacsigii lama furin shalay iyo maanta” sidaa waxaa yiri Cali Ameeriko, oo ah safiirka Soomaaliya ufadhiya Kenya.

Danjiraha, ayaa sidoo kale sheegay in safaarada Soomaalida, ay u diyaar garoowdo ineey u gurmato hadii ay dhibaato lasoo gudboonaato Soomaalida halkaas ku dhaqan.

Dalka Kenya ayaa ilaa iyo hada waxaa ka soconaya tirinta codadka doorashooyinka, iyadoo meelaha qaarna ay ka dhaceen rabshado dad ay ku dhinteen, haba ugu darnaatee magaalo xeebeedka Mombasa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet