Villas-Boas: Inter caawa waan ka badin doonaa

Updated About:2 years ago
0

Macalinka kooxda Tottenham Hotspur, Andre Villas-Boas ayaa sheegay in caawa ay ka taqulusi doonaan kooxda Inter Milan marka ay ciyaaraan tartanka Europa League.

Kooxsa ka dhisan waqooyiga London ayaa dhawaan cashar u dhigtay kooxda ay xafiil tamaan ee Arsenal markii ay 2 iyo 1 kaga adkaatay Axadii toddobaadkan.

And Villas-Boas ayaa sheegay in kooxdiisa ay doonayaan in ay joojiyaan kooxda ugu wayn qaaradda Yurub.

Ciyaarta oo caawa ka dhaceysa garoonka White Hart Lane., waxa ay lugta labaad ku dhammaatay

“Waa ciyaar adag oo muhiim ah oo kooxda toddobaadkan ay ciyaareyso, waxaan sii wadi doonaa guulaha ay gaarto kooxd,” ayuu Villas-Boas u sheegay dadka wararka fidiya.

“Inter waa koox aad taqaana oo khabiir ku ah tartanka  Europe, waxaan u baahanahay in ka warheyno arrintaas oo ka dig toonaano “ ayuu yiri.

Villas-Boas ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay xiddigga qadka dhexe Mousa Dembele.

“Mousa waa diyaar Ade (Emmanuel Adebayor laakin waa la nisin doonaa ).”

Weerar yahanka qadka dhexe Tottenham Jermaine Defoe ayaa ammaanay macalin Villas-Boas oo uu sheegay sida uu yimid in kooxda niyad ahaan aad u fiicnaatay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet