Kaka: Real Madrid Waay u qalantay guusha ay ka gaartay Man Chester United.

Updated About:2 years ago
0

Ciyaar yahan Kaka ayaa aaminsan in Real Madrid ay si buuxda ugu qalantay u soo bixitaanka ciyaaraha  quarter-finals-ka koobka kooxaha qaaradda Yurub, kaddib markii ay ka adkaadeen kooxda Manchester United.

Ciyaartii ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu  waxa ay labada dhinac ku kala tageyn 1 iyo 1 lugta koobaad, laakin markii habeenkii salaasada la isugu yimid Old Trafford waxaa isu gayn u soo baxday 3-2 kooxda Spain.

Kaka ayaa sheegay in Madrid 180-daqiiqo labada ciyaar ay aad ugu wanaagsaneyd.

” Natiijada soo baxday waa mid ugu qalantay kooxda waan ogahay wax yaabaha kale ee mudnaanta siiyay ciyaarta waxa ay ahayd markii aan ka ad kaanay kooxa Barcelona,” ayuu yiri.

Kooxda Madrid ayaa isku diyaarineysa ciyaarta Axada ay la yeelaneyso kooxda Celta horiyaalka La Liga.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet