5000 oo shilling ayaa lagu fiirsanaya horiyaalka Somalia

Updated About:11 months ago
0

IMG_126179-02BA0F-265C31-369A30-A8FAE5-0FCB83Wasaaradda dhallinyaradda iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday lacagaha lagu fiirsan doono horiyaalka heerka koobaad ee dalka Soomaaliya.

Agaasimaha wasaaradda dhallinyaradda iyo cayaaraha, Aweys Sheekh Xadaad, oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan  uu billaaban doono horiyaalka Seria A-da dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in horiyaalka lagu qaban doono garoonka caanka ah ee Conis Stadium, isagoona intaas ku daray in cayaaraha wixii hadda ka dambeeya lagu fiirsan doono shan kun oo shilling Soomaali ah.

Agaasimaha ayaa dhinaca kale, ka dhawaajiyay in dhaqaalaha ka soo xarooda garoonka loo qaybin doono dhowr qaybood, balse ay maamuli doonto wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in garoonka cayaaraha Banaadir ee ku yaalla degmada Cabdicasiis uu la mid ah yahay kuwa caalamka, isla markaana lagu qaban doono tartamada caalamiga sida, horiyaalka, koobka Gen Da’uud, horiyaalka gobalada Somalia, tartamada Iskuulada iyo kuwa kale oo badan.

Garoonka ayaa loo sameeyay qaab casri ah, waxaana dhismaha garoonka Banaadir ka qayb qaadatay hey’adda maamusha kubadda cagta aduunka ee FIFA.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Comments (0)

Leave a Commnet