|
||||||
|
Inta badan Luuqyada Xaafadaha Magaalada Muqdisho marka aad dhex socoto waxaad indhahaaga saaraysaa Caruur fara badan oo Isticmaalaysa Daroogada loo yaqaano KOOLADA oo run ahaantii awooda in miirka ruuxa Bani'aadamka wax ka bedesho isla markaana riyo Maalmeed oo sare gelisa qofka caba. Caruurta Isticmaasha Koolada ma aha kuwa haysta qaarkood nolol ama waxbarasho naftooda ku maareeyaan, waa caruur waalidiintooda waayay kuna waayay dagaaladii sokeeyay ee ka dhacay Soomaaliya, qaar waxay ka mid yihiin kuwa Waalidkooda ka cararay, qaar kale ayaa waxay yihiin kuwa Waalidkooda nool yihiin balse aysan haysanin dhaqaale.
Derbiyaha ayay jiiftaan habeenkii maalintiina waxay dhex wareegaan goobaha lagu iibiyo qaadka, halkaas oo ay raadsadaan wax ay naftooda kula dagaalamaan, qara kale lagamaba waayo Baararka hortooda iyagoo tuugsada qofkii ka soo baxa Baararka. Ilaa iyo afar Wiil oo aan ku qiyaasay da'dooda 9 jir ayaa meel kaliya isla fadhiday iyagoo cabaya Koolo, waxay u muuqdeen kuwa ku faraxsan noloshaas. Waayo ma haystaan nolol midaas uga fiican, sidaas darteed waxay la dhacsanaayeen noloshaas oo ay ku sheegeen mid qiimo badan u leh marka la eego iyagu. Waxaa jira Hay'ado Bulsho oo ku howlan arrimaha Caruurta,laakiin ma aha hay'ado wax qabta waxay kaliya sameeyaan Munaasabada Caruurta inay dabaal degaan sidaasna ay Lacag uga raadsadaan Qaramada Midoobay iyo dalal kale. Nuuradiin
Macalin Mukhtaar nuradiin007@hotmail.com |
||||||