Welcome Midnimo
Midnimo Information Center
mic 24 - 03- 2008 - Latest Somali News

 

 


Qaar ka mid ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Masar oo ka hadlay dhibaatadda heysata saxafiyiinta ka shaqo gala gudaha Dalka Soomaaliya.

Nadwo looga hadlaayay Dhibaatadda suxufiyiinta Soomaaliyeed ku heesto Gudaha Dalka Soomaaliya uu soo qabanqaabiyay Maamulka Naadiga Ardayda Soomalaiyeed ee Dalka Masar ayaa waxaa lugu Qabtay Xarunta Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Magaalada Qaahira.


Nadwadan oo Qeyb ka aheed isbuuca Aqoonta ee Naadiga ardayda Soomaaliyeed sanad walbo Qabto ayaa waxaa ugu horeyn Ka hadlay Abuukar Maxamed Cabdi Boston Wariyaha Laanta Afka Soomaaliga BBC-Da ee Magaaladda Qaahira waxuuna sheegay in dhibaatooyin Badan ay heesataan suxufiyiinta Soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa ka howl Galo Gudaha Dalka Soomaaliya asigoo sheegay in la dilay 155 suxufi sanadkii 2006 Sanadkii 2007 134 suxufi ayidoo Sanadka 2008 ay 135 suxufi ku jiraan xabsiyo waxuuna sheegay in Tiraddaasi ay tahay mid laga Naxo, waxuuna Tilmaamay Muhiimadda ay leedahay in Laga Hadlo dhibaatadda suxufiyiinta heysata Maadama aysan jirin si cad ugu dooda xaquuqdooda Uga danbeytii Boston waxaa uu ka codsaday Kooxaha iska soo horjeedo in ay Dhowraan xaquuqda suxufiyiitna kuna saacidaan sidii ay shaqadooda ku Gudan lahaayeen.


Saxafiga Mahad Carabow Cali islamarkana ah Wariyaha TV. Calamiga ah ee UNIVERAL oo shaxaraxaya in ay sanadkan Geriyoden Dad Badan ay isla sheqen

Waxaa isagana Nadwa ka hadlay Mahad Carabow Cali oo ah Wariyaha Tv-ga Universal ee Magalada Qaahira waxuuna sheegay in Dhibatadada heysata Suxufiyinta somaliyed in an Laguso Kobi Karin Hal Nadwo oo kaliya ayna uu Bahan Tahay in loga Hadlo Dodo badan oo Nucan oo kala ah waxuuna xusay Ustaad Carabow Xubno Saxafeyn can ahaa oo sanadkii tagay lagu dilay Magaalada Muqdishu ayagoo gudanaya howlahooda warfidiyeenimo waxaana kamid ahaa dadkii uu mudane Carabow Carabka ku dhuftay

Mudane Cali Iimaan Sharmarke oo ahaa agaasimihii Horn Afrik Wariye Mahad Axmed Cilmi, Afhayeenkii gobolka Banadir Maxamed Muxudiin Cali oo uu sheegay inuu ahaa dadkii kusoo taageeray inuu saxaafada kusoo biro Carabow iyo cabaas Maxamed Nuur Galeyr oo ahaa wariye usoo ushaqeeyay wakaaladda Sona.waxuuna ku tilmaamay shaqsigii doorta xiligan in uu ka shaqeeyo saxaafadda soomaaliya mid ee Geesi ah mudana in la abaalmariyo.
waxuuna ugu danbeyntii Carabow ku tilmaamay falalka lugu wax yeeleeyo saxafiyiinta kuwa ka dhan ah Bani aadanimadda ayna qasab tahay in la joojiyo.


Maxamed Madar oo shaxraxaya Wajibka
Saxafada ka saran Dalkoda Hooyo

Wariyaha BBC Magalada Qaahira Abukar Boston oo Ka Hadlaya Xalada Dhibka lagu haya Saxafada

Maxamed Madar oo ka socday Idaacada Qaahira laanteeda afka Soomaaliga ayaa isagana ka hadlay halkaasi ayaa waxuu sharaxaad dheer ka bixiyay Qawaaniinta Saxaafadda waxuuna sheegay in ay tahay Dowladdu wax saxaafadda u baahan si buu yiri wax qabadkeeda loogu ban dhigo Bulshadda waxuuna Tilmaamay Madar in xuriyadda sida ay u arkaan reer galbeedka iyo sida islaamku xuriyadda ku arko aya kala duwantahay waxuuna ku Tilmaamay Nasiib daro in saxaafadda Soomalaiyeed isku khilaaf in dalkoodii Heysto Gumeysi

Waa markii ugu horeysay ee Naadiga ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Masar oo Maamulkiisa Gacanta ku hayaan xubno ka tirsan Mas'uuliyiinta Ururka Al-shabaab ee ku Nool Dalka Masar iyo Tageerayaasha Ururka Al-shabaab, xaruntiisa lugu qabto Nadwo looga hadlaayo dhibaatadda suxufiyiinta Soomaaliyeed heysata Gaar ahaa kuwa ka howl gala Gudaha Dalka Soomaaliya Nadwadii ugu horeeysay oo ay ka hadlaan Qaar ka mid saxafiyiinta ku Nool Dalka Masar

 

Ismaciil saxaaf
saxaaf@hotmail.com
Tell:+20127012075


Xafiiska Midnimo ee Qahira Masar
Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

www.midnimo.com